CORONAVIRUS: OGEYSIIS MUHIIM AH: Tallaabooyin taageero si wax looga qabto dhibaatooyinka coronavirus

 - Ma leedahay ganacsi daqligiisa uu yaraaday sababta oo ah xaalada coronavirus?

 - Miyaad ka shaqeysaa shirkad  dakhligiisa, uu  yaraaday sababta oo ah xalada coronavirus?

 Hadday haa tahay, fadlan si taxaddar leh u aqri tallaabooyinka taageerada soo socda ee ay soo saartay Wasaaradda Shaqada.

Qorshaha gaarka ah ee joojinta qeyb ka mid ah howlaha Ganacsiga iyo Bixinta Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah.  Wuxuu shaqeynayaa laga bilaabo 16/3/2020 illaa 12/4/2020.

 -Qorshaha gaarka ee ka joojinta qeyb ka mid ah  howlaha Ganacsiga waxay quseysaa ganacsiyada (hay'adaha sharciga ama dadka dabiiciga ah) kuwaaso qeyb ahan joojiye shaqadooda .  Taasi micnaheedu waa inay leeyihiin hoos u dhac  in ka badan 25% bishii Maarso 2020 weyna  saadaalinayaan hoos u dhac ku yimi isbeddelkooda bishii Abriil 2020, marka la barbar dhigo bilaha u dhigma sanadkii hore.  Hoos udhac ku yimid isbeddelka waa inuu ahaadaa mid sabab u ah xaaladda ganacsigu ku helay cudurka faafa ee coronavirus.

 Haddii shirkadda aysan shaqeynin sanadkii hore markaa isbarbardhig ayaa la sameyn doonaa bilooyinkii ka horeeyay Maarso 2020.

 - Shuruudda aasaasiga ah ee kaqeybgalka qorshaha ayaa ah in qof shaqaale ah shaqada laga eryin ilaa 1-da bisha marso 2020 iyo haddii codsiga la oggolaado,shaqaale  lama eryi doono muddada ay shirkaddu ka qeybqaadaneyso Qorshahan iyo muddo dheer oo la mid ah.  ilaa muddada kaqaybgalka Qorshaha oo lagu daro hal bil oo dheeri ah (marka laga reebo marka ay jiraan sababo cudurdaar ogeysiis la,aan).

Ganacsiyada ma awoodi donaan inay eryan shaqaalaha sababah dhaqaale inta lagu gudo jiro mudda kor ku xusan -ganacsiyada shaqaaleysiya ilaa 50 shaqaale ayaa ku biiri kara Qorshaha Gaarka ah Joojinta qeyb ka mid shaqooyinka Ganacsiga oo cadeeya  75% tirada guud ee shaqaalahooda si kuwa dambe ay u helaan Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah, haddii shuruudaha iyo xaladaha  la buuxiyo  .

 -ganacsiyada shaqalaysiya in ka badan 50 shaqaale lagayabe inay ku biri karan Qorshaha Gaarka ah ee qeyb ka joojinta Shaqooyinka Ganacsiga oo ay ku cadeyen 60% wadarta tirada shaqaalaha si kuwa dambe ay u helaan Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah, waa haddii shuruudaha iyo xalada la buuxiyo  .

 Markii la xisaabinayo tirada shaqaalaha ku dhaca 75% ama 65% ee dhammaan shaqaalaha, natiijada hawlgalka xisaabta waxaa lagu soo koobay isugeynta ugu dhow.

 -Waxaa xusid mudan in shirkadaha shaqaalaysiinaya ilaa laba qof, Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah waxaa la siin karaa dhammaan shaqaalaha si madaxbanaan ee saamiga lasiiye  , haddii shuruudaha iyo xaladaha la buuxiyo.

 - Ganacsatada shaqaaleysiya in kabadan 2 shaqaale, waxaa xusid mudan in Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah aan la siin karin maaraynta saamileyda, la-hawlgalayaasha haystay wax ka badan 20% saamiyada, agaasimayaasha guud iyo agaasimayaasha, kuwaas oo ku dhaca 25% ama 40% ee  Tirada guud ee shaqaalaha, waxay kuxirantahay kiiska (eeg qodobbada kore)

 Xaaladaha halka dadka kor ku xusan ka badan yihiin  tirada 25% ama 40% shaqaalaha shirkadda, iyadoo ku xiran kiiska, marka waxay u qalmi karaan Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah, haddii shuruudaha iyo xaladaha la buuxiyo.

 - Muddada la bixiyo Gunnada Shaqa la'aanta Gaarka ah, loo shaqeeyaha waxaa laga reebay waajibaadka ah inuu siiyo mushaaraadka shaqaalaha qaata Gunnada.

 Haddii mushaharka la siiyay shaqaalaha, iyo mudada ay shaqaaluhu helayaan Gunnada Shaqo la'aanta ah, qaybta mushaharka ee u dhiganta muddadaas waxaa dejin kara loo shaqeeyaha.

 - Ganacsatada ka qeyb qaadanaya Qorshaha Gaarka ah ee qeyb Ka Joojinta Shaqooyinka, loo shaqeeyuhu wuxuu shaqaaleysiin karaa xubnaha shaqaalaha qaata Gunnada Shaqo la'aanta gaarka ah isagoo bixinaya inta ka hartay mushaarkooda iyo tabarucaada la xiriira  Sanduuqa Caymiska. tabarucaadkas wuxuu u dhigmaa  cadadka dheeriga ah ee lo shaqeeyuhu  bixiyo.

 Hadhaaga mushaharka waxaa lagu kala duwanaan karaa ogolaanshaha shaqaalaha iyadoo loo eegayo isaga/ iyada saacadaha shaqada.

waxa lasiiyay isaga/iyada ogolaansho, shaqaale qaata Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah wuxuu ka shaqeyn karaa shirkadda isagoo helaya kala duwanaanshaha iyada isaga / mushaharka Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah ama iyadoo la badelayo farqiga kore ee si wafaqsan  saacadaha shaqada.

 - Muddada bixinta Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah waxaa loo qaddarin doonaa sidii wakhti caymis oo la jaangooyey iyada oo ujeeddadoodu tahay xisaabinta tabarucaadda Adeegyada Caymiska Bulshadda waxaana loo tixgalin doonaa si ku habboon kontada caymiska ka-faa'iideystaha.

 -qorshaha gaarka ah ee joojinta  qeyb shaqooyinka ganacsiga ma khuseyso ururada bulshada rayidka ah iyo guud ahaan, hay'adaha dadweynaha iyo ururada kale ee la midka ah.

 - Qorshaha gaarka ah eejooginta qeyb shaqooyinka ganacsiga ma quseyso howlaha dhaqalo ee soo socdo

 Suuqyada waaweyn

 Ganacsi kasta oo bixiya cunto

 Ganacsiga miraha, khudradda, hilibka iyo kalluunka

 dayax gacmeedka iyo isgaarsiinta kale

 Jiilka korontada

 Qashin ururinta iyo maareynta

 Hawlaha maaliyadeed iyo caymiska, oo ay ku jiraan hay'adaha bangiyada shati u haysta

 Hawlaha xanaanada xoolaha

 Dhakhaatiirta (marka laga reebo dhakhaatiirta ilkaha)

 Hawlaha isbitaalka

 kalkaakiso guryo 

 Soosaarista dawooyinka

jumlo dawooyinka

 Farmasiiyada

 Ganacsiga  caafimaadka iyo qalabka lafaha

 Waxaa la cadeeyay in shaqaalaynta shaqaalaha guryaha lagu dari karin Qorshahan, sinaba.

 Sidee loo xisaabiyaa Gunnada Shaqa la'aanta gaarka ah, oo la siiyay dhammaan shuruudaha iyo xaladaha  la buuxiyo:

 - Dadka shaqeeya ee buuxiya shuruudaha caymiska bulshada ee faa,iidada shaqo la, aanta ee hoos timaada Sharciga Caymiska Bulshada, waxay heli doonaan 60% qiimaha dhibcohooda caymiska, si waafaqsan sharciga kor ku xusan.

 - Dadka shaqeeya ee aan buuxin shuruudaha caymiska bulshada sida wafaqsan Xeerka Caymiska Bulshada, oo ku jira caymiska Khasnadda Caymiska Bulshada Janaayo 2020, waxaa la siin doonaa Gunnada Shaqo la'aanta ee khaaska ah, dhererkaas waxaa go'aamin doona Go'aan rasmi ah oo ku xiga.  .

 - Lacagta ugu badan ee billaha ah ee Gunnada Shaqo La'aanta kama badnaan karto € 1,214.

 

 -gunada shaqo la,aant Khaaska ah  lama bixiyo wakhti kasta oo shaqaluhu helo faa,iidada shaqo la aanta, faa,iidada jirrada, fasaxa jirada ee gaarka ah, fasax jiro  ama faa iidooyin kale oo la mid ah oo laga helo Sanduuqa Caymiska Bulshada.

 Hadaad ubaahantahay cadeyn ama caawimaad, waxaad nagala soo xiriiri kartaa 22205959, naga hel Viber / WhatsApp taleefanka 97767329 ama noogu soo dir info@helprefugeeswork.org.

 

Kani waa turjumaad aan rasmi ahayn oo dukumiintiga laga helay halkan:https://e718d27b-8be9-41b8-b3ad-57c7b7f7c4a0.filesusr.com/ugd/67201e_e9c9b58c13b243209d784d171162ea13.pdf