Sheekadan ayaa hada la cusbooneysiiyay si ay uga tarjunto cadeynta ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka:

 https://in-cyprus.com/coronavirus-ministry-claantaations-on-vulnevable-groups-and-workplace-rules/

 

Dowladda ayaa daabacday liiska kooxaha nugul ee bulshada  kuwaaso loo arko inay yihin halis sare isla markana laga xayiray goobahooda shaqada.

 

 Iyadoo la raacayo tillaabooyinka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha iyo Wasiirrada Caafimaadka, Shaqada iyo Maaliyadda si looga fogaado faafitaanka coronavirus, dadka ku jira qeybahaan waa laga saaray goobta shaqada.

 Dadka ku jira kooxahan waa inay ka shaqeeyaan guriga, markay suurogal tahay, ama codsadaan fasaxa bukaanka ee gaarka ah. Fadlan dhagsii si aad wax badan uga ogaato https://www.helprefugeeswork.org/en/content/covid19-gunnada-bukaanka-gaarka

 

 1. qofkasta oo da’diisu ka weyn tahay 60 sano.

 2. Dadka waaweyn ee leh hal ama kabadan xaaladaha daba-dheeraada ee hoos ku xusan:             

.Xaalada raagta oo KU dhacda habdhiska neef mareenka ( dhamantood wa inay qatan daawo malinkasta )

.Xaalada raagta oo mudo jirtay oo KU dhacda wadnaha

.Sokoroow ama macaan

.Xaalada raagtay rajadi ugu danbeysay ee kiliyaha

(Dhiiga in la dhaqo ama xuubka KU daaharan uur KU jirta in la dhaqo)

.Xaalad raagtay oo KU dhacda beerka (child pugh score BNC)

.xaalad raagtay oo KU dhacda neerfaha cudurada neerfaha iyo murqaha . sickle dhiig laa,aanta unugyada

.Difaaca jirka oo hoos u dhaca (dhaxal ama wax banaanka kaaga yimid) 

.Kansarka KU dhaca dhiiga ama xubnaha . qof xubin laga badalay

.haweeney uurleh  iyadoon loo eegaynin marxaladda uurka, dumarka naaska nuujiya:

 Baaqa ayaa sheegay in liistada wax laga baddali karo iyada oku xirnanayso hormarka cudurka.

 

 Shaqaalaha ka tirsan mid ka mid ah kooxaha kor ku xusan ee nugul oo laga saari doono goobahooda shaqada waa inay soo gudbiyaan caddeynta caafimaad ee lagama maarmaanka u ah takhtarka shaqsiga ama takhtarkooda shaqada.

Hadaad ubaahantahay macluumaad dheeri ah ama caawimaad xaga codsashada, waxaad na soo wici kartaa 22205959, naga hel Viber / WhatsApp taleefanka 97767329, ama noogu soo dir cinwaanka: info@helprefugeeswork.org.