Dhammaan qorshooyinka taageerada ee loogu talagalay shaqaalaha iyo shirkadaha (qorshaha xanaanada carruurta, gunada jirada gaarka ah, qorshaha iskiis u shaqeysiga, qeyb ama gabi ahaanba shaqada laga joojiyo) waa la kordhin doonaa ilaa 12.5.2020.

Fadlan la soco isbedelada soo socda:

-Qof kasta oo bilaabay shaqo markii ugu horreysay February ama March 2020 wuxuu hadda ku biiri karaa qorshayaasha taageerada.  OGOW: Loo shaqeeyuhu wuxuu u baahan yahay inuu soo gudbiyo arjiga cusub (EEA7) iyo cadeyn mushaarka.

-Qof kasta oo xaq u leh fa, iidada shaqo la aanta gaarka ah ama faa,idada jirrada ee hoos timaadda tallaabooyinka taageerada convid-19 'oo ka shaqeyn jiray 2018, wuxuu heli doonaa xaddiga ugu sarreeya ee ka dhashay isbarbardhigga ceymiska bulshada ee la bixiyay iyo mushaarkii ugu dambeeyay ee la helay.

-Xaddiga ugu yar ee gunnooyinka ayaa loo qoondeeyay 360euro.  Shakhsiyaadka xaq u leh gunnooyinka hoos yimaadda tallaabooyinka taageerada convid 19  waxay dib uga laaban doonaan kala-duwanaanta (haddii ay jiraan) muddo ah 4 toddobaad.

-Marka laga hadlayo qorshayaasha jira illaa iyo 12.4.2020, shaqaalaha aan faahfaahin akoonkooda bangiga surtagal ma ahayn in laxaqiijiyo iyo sidoo kale kuwa aan ku cadeyn akoonka bankiga markay bixin doonaan faa, iidadoda , waxay heli doonaan taloobiyinka tagerida gunada jeeg ahaan,  haddii aysan jirin hab kale oo bixin ah oo suurtagal ah.

-Qorshe cusub oo taageero ah oo cinwaankiisu yahay “gunada gaarka ah ee loogu talagalay tagerida dadka bilaa shaqada ah” samayn ayah ku jirto.  Waxay quseysaa dadka shaqo la'aa kahor inta u dilacin covid19 oo faa, iidadisa shaqo la aanta ay dhammaatay waqti kasta inta lagu jiray February, March ama April 2020. Dadkaas waxaa lagu dhiirigelinayaa inay codsadan iyagoo isticmaalaya foomka EEA.8, si ay u shegtaan 360 euro hal bil.

Foomamka codsiga ee la cusbooneysiiyay ee qorshooyinka oo dhan waxa laga heli kara 5.5.2020 AT coronavirus.mlsi.gov.cy