Wejiga Koowaad (Laga bilaabo  4-ta May 2020)

A. Qeybta Gaarka ah

(i) Laga bilaabo 4-ta may , xayiraad ayaa laga qaadi doonaa warshadaha dhismaha iyo dhammaan howlaha ganacsi ee la xiriira.

(ii) Dhamaan qeybta  ganacsiyada tafaariiqda waxay dib u bilabayan shaqada, marka laga reebo suuqyada / xarumaha ganacsiga iyo  waaxda baqaarada.  Hawsha bakhaarada ayaa waxaa xukumaya qawaaniinta la xiriira caafimaadka iyo badbaadada ee ay dhisi doonaan masuuliyinta dowlada/ wasaaradaha

(iii) Suuqyada dadweynaha, iibiyaasha jidadka iyo suuqyada ayaa dib u bilaabaya ganacsiga, iyadoo la raacayo shuruudaha waxa so saray Wasaaradda Caafimaadka.

(iv) Hay’adaha Safarka iyo Dalxiisyada / xafiisyadu waxay dib u bilaabayaan ganacsiga.

B. Qeybta Dadweynaha

Laga bilaabo 4-ta bisha may, waxaa jiri doona dib-u-bilaabis buuxda oo hawlihii waaxda guud ee dadweynaha, iyadoo si isdaba joog ah loogu soo celinayo dhammaan shaqaalaha xilalkoodii.  Jadwalka imaanshaha waxaa qeexi doona wasaaradaha ay quseyso.  Waxaa ka mid ah kuwa ka tirsan kooxaha nugul sida ku xusan liiska cusub ee dib loo eegay ee ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka,

(i) Dhamaan shaqaalaha qaada masuuliyada / daryeelka caruurta ilaa da’da 15 waxay xaq u leeyihiin fasaxa ilaa dib loo furo iskuulada dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.  Inta ay maqan yihiin, waxay ku qasbanaanayaan inay gutaan waajibaadkooda iyo mas’uuliyadaha loo wakiishay iyaga oo ku dhaqma  ‘shaqo fog’

(ii) Isla sidaas ayaa lagu dabaqaa dadka ka tirsan kooxaha nugul ee aan ku noqon doonin goobahooda shaqo.

(iii) Soo laabashada shaqaalaha dowladda, waxay u horseedi doontaa dib u soo noqoshada howlihii maxkamadaha, si waafaqsan go’aannada maxkamadda sare.

C. Qeybta Waxbarashada

(I) Ahmiyada koowaad  baahiyaha  dugsiga sare (lyceum) ee ka qalin jabisa iskuulada dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaa la go’aamiyay in ardaydaas ay ku laabtaan iskuuladooda  laga  bilaabo 11ka May

Wasaaradda waxbarashadu way sii socon doontaa inta lagu gudajiro iyada oo lagu dhawaaqi doono isbeddelada iyada oo la tixraacayo dhammaan heerarka waxbarasho ee kale.  Ilaa dib u furitaanka buuxa, e-waxbarashadu way sii socon doontaa.

D. Caafimaadka Dadweynaha

Iyada oo laga duulayo sida caadiga ah ee hawlgallada isbitaallada dadweynaha  iyo kuwa gaarka loo leeyahay, tallaabooyin ayaa qayb ahaan la qaadi doonaa waxaana loo sii wadi doonaa in loo qaado iyada oo la raacayo tilmaamaha sida loo soo sari dono waqti ka waqti  Wasaaradda Caafimaadka.  Dhaqtarka ilkaha ayaa si buuxda u bilaabi doona.

E. Xorriyadda Qofka
Ku saabsan xorriyadda shaqsiyeed iyo talaabooyinka la qaaday, waxyaabaha soo socda ayaa la go’aamiyay:

(I) Dhaqdhaqaaqa maalinlaha ah wuxuu  kordhay hal ilaa seddex SMS maalintii.  Bandoowga dhaqdhaqaaqa wuxuu soconayaa 10-ka ilaa 6-da habeenimo.

(ii) Laga bilaabo 4-ta May , imaanshaha meelaha lagu cibaadeysto waa la oggolyahay iyadoo xaddidan 10 qof ay xaadirayaan xilli kasta oo loo baahan yahay.  Xayiraadaha jira ee aroosyada, baabtiisyada iyo aaska xoog ku si jir.

[Laga bilaabo 1-da  Juun, ka qeyb galka goobaha cibaadada waa la oggol yahay in borotokoolka caafimaadka iyo nadaafadda ay si adag u raaci doonaan sida ay farayso Wasaaradda Caafimaadka.

(iii) Jimicsi shaqsiyeed ilaa laba qof (socodka, dabaasha, baaskiil wadida) meelaha banaan ee furan, wadooyinka lugeynta jidadka lugeynta  ee ku dhex yaal jardiinooyinka waa la oggol yahay.  Da, yarta  waa laga dhaafay sharciga tirada ugu badan.  Jardiinooyinka, garoomada lagu cayaaro iyo meelaha kale ee bannaanka-furan ee lagu kulmo ayaa weli xiran.

F. Ciyaaraha

Laga bilaabo 4-ta May isticmaalka tas-hiilaadka cayaaraha dibedda ee loogu talagalay ciyaartooyda karti-sare leh ee lagu soo daray liiska gudiga Olombikada cyprus waa la oggol yahay.

Laga bilaabo 18ka May, ku celcelinta ciyaaraha isboortiga waxaa loo ogolaan doonaa banaanka, sida ku xusan borotokoolka ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka.

Waxaa xusid mudan in labada xaaladoodba ay ka sarreeyaan isticmaalka qolalka beddelashada, jimicsiga iyo kaabayaasha gudaha ee la xiriira waa mamnuuc.

Wejiga Labaad (ilaa May 21-keeda 2020)

1. Laga bilaabo 21ka May, dhammaan xayiraadaha dhaqdhaqaaqa waa la qaadi doonaa.

2. Dadku waxay xor u noqon doonaan inay xaadiraan jardiinooyinka iyo garoomada bannaanka, labajibarayasha  marinas IWM, iyadoo la oggol yahay in aanay ka badnayn 10 qof meel kasta oo ay isugu yimaadaan.

3. Makhaayadaha iyo kafateeriyada waxay dib u furi doonaan oo keliya meelaha banaanka ah, iyadoo la raacayo qawaaniinta adag ee ay soo saari doonto Wasaaradda Shaqada iyo Wasaaradda Caafimaadka.

4. Laga soo bilaabo 21-kii May timo-dhaqayasha tima-jarayaasha iyo qurxiyeyaasha ayaa dib u bilaabi doona shaqada.

5. Laga bilaabo 1-da  Juun:

. Dib u furista iyo marin u helida xeebaha abaabulan waa la ogolaan doonaa

. Dekadaha ayaa dib loo furi doonaa marka laga reebo galista /  bixida maraakiibta doonida.

. Maktabadaha, matxafyada, iyo meelaha taariikhiga ah iyo xiisaha taariikhiga ayaa dib loo furi doonaa.

. Dukaamada sharadka ayaa shaqada dib u bilaabi doona.

. Imaanshaha goobaha cibaadada waa la oggol yahay haddii ay u hogaansanto qawaaniinta caafimaad ee adag ee ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka.