- Ma leedahay shirkad ay dawladdu ku khasbeysay inay joojiso shaqooyinka oo dhan, sababtoo ah coronavirus?

 - Miyaad ka shaqeysaa shirkad ay ku khasbeysay dowladda inay joojiso shaqooyinka oo dhan, sababtoo ah coronavirus?

 Hadday haa tahay, fadlan si taxaddar leh u aqri tallaabooyinka taageerada soo socda ee ay soo saartay Wasaaradda Shaqada.

Qorshe gaar ah oo ku saabsan joojinta dhameystiran ee howlgalada ganacsiga iyo bixinta gunnooyinka shaqo la'aanta gaarka ah ee shaqaalaha.

 Qorshahan wuxuu shaqaynayaa laga so bilaabo 11/3/2020 illaa 12/4/2020 wuxuu kuxiran yahay taariikhda  xannibaadda khasabka ah ee ay go'aamisay dowladda.

 Waxay khusaysaa shirkadaha (hay'adaha sharciga ama shaqsiyaadka dabiiciiga kuwaas oo ah loo shaqeeyayaasha) ee si buuxda u hakiyey howlahooda si wafaqsan awaamiirta Wasiirka Caafimaadka iyo go'aamada Golaha Wasiirrada, haddii aysan beddelin dabecada ama habka ay u shaqeeyaan.  

 Shuruudda aasaasiga ee kaqeybgalka Qorshaha wa in qof shaqaale ah shaqada laga eryin tan iyo 1-da Maarso 2020 haddii codsiga la oggolaado,shaqaale  lama eryi doono muddada ay shirkaddu ka qeybqaadaneyso Qorshahan iyo muddo dheeri oo la mid ah.  muddada kaqaybgalka Qorshaha oo lagu daro hal bil oo dheeri ah (marka laga reebo marka ay jiraan sababo cudurdaar  ruqseyn ogeysiis la'aan )

 Ganacsiyada ma awoodi donan inay ka eryan shaqaalaha sababo dhaqaalaha awgood.  inta lagu gudo jiro mudada kor ku xusan Gunnada Shaqo La'aanta gaarka ah ayaa la siin doonaa 90% shaqaalahooda, waa haddii shirkadahaas ay shaqeeyaan in kabadan 9 shaqaale oo shuruudihii la buuxiyay.

 10% ka soo haray ee shirkadahaas waxaa ka mid ah maareynta saamileyda, la-hawlgalayaasha haystay inka badan 20% saamiyada, agaasimayaasha guud iyo maamulayaasha.  Haddii dadkaasi ay ka badan yihiin 10% shaqaalaha ganacsiga, waxaa lagu dari karaa Qorshaha oo waxay heli karaan Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah, haddii shuruudaha la buuxiyo.

 Markii la xisaabinayo tirada shaqaalaha ku dhaca 90% ee dhammaan shaqaalaha, natiijada howlgalka xisaabta waxaa lagu soo koobay isugeynta ugu dhow.

ganacsatada shaqalaysiisa ilaa 9 shaqaale, Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah waa la siin karaa dhammaan shaqaalaha, iyadoon loo eegayn booska ay ku leeyihiin shirkadda.

 Muddada lagu siinayo Gunnada Shaqo la'aanta Gaarka ah, loo shaqeeyuhu waa laga dhaafay waajibaadka ah inuu siiyo mushaaraadka shaqaalaha qaata Gunnada.

 Haddii mushaharka la siinayo shaqaalaha, iyo mudada ay shaqaaluhu helayaan Gunnada Shaqo la'aanta ,qaybta mushaharka ee u dhiganta muddadaas waxaa laga yaba inuu dejiyo loo shaqeeyaha.

 Muddada lacag bixinta Gunnada Shaqa la'aanta Gaarka ah waxaa loo qaddarin doonaa sidii wakhti caymis oo la jaangooyay ujeeddooyinka xisaabinta tabaruca Adeegyada Caymiska Bulshadda waxaana lagu xisaabin doonaa si wafaqsan  xisaabta caymiska kontada ka faa'iideystayaasha 

 Sidee loo xisaabiyaa Gunnada Shaqa la'aanta  gaarka ah, iyadoo la bixinayo in dhammaan shuruudaha iyo xaladaha la buuxiyo:

 - Dadka shaqeeya oo buuxiya shuruudaha caymiska bulshada

 faa,iidada shaqo la, aanta ee hoos timaad  Caymiska Bulshada, ayaa heli doona 60%

 qiimaha ay leeyihiin dhibco caymiskooda, si waafaqsan sharciga kor ku xusan.

 - Dadka shaqeeya ee aan buuxin shuruudaha ceymiska bulshada sida ku xusan Xeerka Caymiska Bulshada, oo ku jira caymiska sanduuqa caymiska bulshada , Janaayo 2020, waxaa la siin doonaa Gunnada Shaqo la'aanta gaarka ah, oo dhererkeedu yahay

 waxaa la go,aamin donaa Go'aan ka  rasmi ee ku xiga

 - qadarka ugu badan ee billaha Gunnada Shaqo La'aanta kama badnaan karto € 1,214.  Gunnada Shaqo La'aanta Gaarka ah lama siinayo wakhti kasta oo shaqaaluhu helayo faa,iidada shaqo la aanta, faa,iidada jirrada, fasaxa jirada  gaarka ah, fasaxa jirada  ama faa iidooyin kale oo la mid ah oo laga helo Sanduuqa Caymiska Bulshada.

 - Shaqaalaha lagu daro Qorshaha Ka Joojinta Warshadaha Dalxiiska (sida hoteellada iyo adeegyada cunnada) ayaa lagu dari karaa Qorshahan kadib markay dhammaato muddada cayrintooda.

 Hadaad ubaahantahay cadeyn ama caawimaad, waxaad nagala soo xiriiri kartaa 22205959, naga hel Viber / WhatsApp taleefanka 97767329 ama noogu soo dir info@helprefugeeswork.org.